Enter your keyword

post

Wacyi galin kooban iyo tariikhdii cudurka Corona Virus

Wacyi galin kooban iyo tariikhdii cudurka Corona Virus

Dalladda qurbo-joogta Puntland ee qaaradda Yurub. Puntland European Diaspora Association Network (PEDAN) 11 April 2020
Dalladda PEDAN waxay halkaan kusoo bandhigeysaa taariikh kooban oo ifineysa halka uu jeermiga1 la magacbaxay Covid-19 kasoo ifbaxay, dadka iyo dallalka uu waxyeelada gaarsiiyey, sida looga hortagi karo iyo wixii kale oo wacyigelin ah ee aan ugu talagalnay wallaalaheena soomaaliyeed.

Dalladda PEDAN waxay ku wargelineysaa wallaalaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, gaar ahaan inta ku nool dalkeena hooyo in ay ku dadaalaan sidii ay u xakameyn lahaayeen jeermiga maanta ay dunida oo idil la daalaa-dhaceyso.

Sida aad ka warheysaan wuxuu Jeermiga Covid-19 kasoo ifbaxay dalka Shiinaha, dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019, magaalada Wuhan ee gobolkaasi Hubei. Durbadiiba Jeermiga Covid-19 wuxuu haleelay gobollo kale oo ka mid ah dalka Shiinaha iyo waddamada deriska la ah Shiinaha ee dhaca bariga qaaradda Aasiya. Intaa ka dib waxaa la soo weriyey in uu Jeermiga Covid-19 soo gaaray waddamo ka baxsan qaaradda Aasiya. Warbixinadaasi waxay sheegeen in uusan saameyn weyn ku yeelan waddamadaasi maadaamma Jeermiga Covid-19 lagu arkay dad tiradoodu aan badneyn.

Dabayaaqadii bishii febraayo 2020 ayaa waxaa soo shaacbaxday in Jeermiga Covid-19 uu si baaxad leh uu u asiibay waddamada Talyaaniga iyo Iiraan. Xaaladdan ayaa keentay in cudurku uu u fido si xawli ah. Asiibidda uu sida aadka ah u asiibay Talyaaniga iyo Iiraan ayaa waxay sababtay in Jeermiga Covid19 uu si xad-dhaaf u gaaro gebi ahaanba qaaraddda Yurub iyo dalka Maraykanka. Dad badan ayuu cisbitaalada dhigay wallow dadka badankii ay guryahooda xanuunka la jiifaan. Sidoo kale dad aad u fara badan ayaa u dhintay xanuunkan. Tirada guud, ee dadka u xanuunsanaya ama u dhintay Jeermiga Covid-19, maanta oo aan qoraalkan diyaarineyno ayey Hay´adda Caafimaadka Adduunka (WHO) caddeysay in ay dhan tahay sida hoos ku xusan:

1 Jeermi ama jeermiska: Waa noole aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin oo dhaliya cudurrada qaarkood. Waxaa lagu arki karaa bikaacooyinka siiba kuwa loo yaqaano bikaaco firdhiso.

2 (6)
• Tirada uu Jeermiga Covid-19 asiibay waxay tahay: 1,767,549 oo qof. • Tirada Jeermiga Covid-19 sabab looga dhigay dhimashadooduna waxay tahay: 106,453 oo qof.

Taasi macnaheedu waxay tahay in Jeermiga Covid-19 aan la dhayalsan karin. Haddaba haddii aynu nahay dalladda PEDAN waxaan dareemaynaa in ay haboon tahay in bulsahada lagu wacyigeliyo raadreebka foosha xun ee uu yeelan karo amaba uu leeyahay Jeermiga Covid-19.

Su´aalaha la is weydiin karaa ayaa waxay yihiin:

 

  1. Sidee buu qofka ugu dhacaa Jeermiskan la magacbaxay Covid-19? Jeermiska waxaa lagu kala qaadaa:

§ Haddii uu qof jeermis-side ah qufaco ama hindhiso, ka dibna fanfaniinka qufacaasi ama hindhisadaasi ay hawada raacdo gaartana qof aad ugu dhow, badanaa masaafo 1 m u jirta, qofkii qufacay ama hindhisay.

§ Haddii qofku uu taabto goob ama meel uu gaaray fan-faniinkii oo uu dabadeedna gacmahiisa ku taabtay/taabatay wejiga, afka ama indhaha.

§ Haddii la wadaago cabitaan, tusaale ahaan koob shaah ah oo la isla cabay.

 

  1. Waa maxay calaamadaha uu qofku isku arki karo haddii uu jeermisku asiibay? Calaamaduhu waa ay badan yihiin sidaa daraadeed khasab ma aha in dadkoo idil ay isku arkaan calaamadaha hoos ku xusan. Calaamadaha dadka uu ku dhacay Jeermiska Covid-19 ay isku arkeen waxaa ka mid ah:

§ Sanka oo isxira/cabburid ku timaadda sanka § Diif joogto ah oo qofka ka yimaada, sida qof hargabeysan § Dhuun-xanuun § Madaxwareer ama madax-xanuun § Xanuun asiiba xaglaha iyo muruqyada § Daal fara badan § Qandho § Qufac qalallan

3 (6)
§ Neef-qaadashada oo qofka dhibta § Dhadhanka iyo wax urinta oo ka guurta qofka

Calaamadahan qaarkood ama badankood wuxuu qofku isku arki karaa qiyaastii 3–5 maalmood ka dib markii uu Jeermiska Covid-19 qofku asiibay. Waxaa kale oo ay dadka qaarkood dareemaan in uu dareenkii dhadhanka iyo wax urintuba uu ka guuro ama hoos u dhaco. Dadka qaar waxay dareemaan yalaalugo ama lalabo, waxaana intaa u dheer shuban. Qofku wuxuu kaloo dareemayaa daal aad u badan.

Muddada uu qoku xanuunka heynayo waa lagu kala duwan yahay. Dadka qaarkood wuxuu xanuunku hayaa muddo ku siman dhawr cisho halka qaar kalena ay dhawr isbuuc la jiifaan xanuunkan. Qofka uu xanuunkani ku raago ayaa waxaa macquul ah in uu Jeermiska Covid-19 sambabada u gudbo taasi oo ku keenaysa qofka in ay dhibto hawa-qaadashada. Tani waa tan khatarta ku ah nolosha qofka maadaamma qofku had iyo jeer u baahan yahay hawa-qaadasho dhameystiran. 3. Maxaa jeermitir2 ama jeermi-dabargoyn u ah Jeermiska Covid-19?

§ Waa marka koowaade Jeermiska Covid-19 wax daawo ah looma hayo illaa iyo imminka. Daawada dunida sida aadka ah ugu soo meelmartay ee loo yaqaano “Antibiotics” ama Antibiyootigga3 ayaan waxba ka qaban karin Jeermiska Covid-19. Sababtuna waxay tahay in Jeermiska Covid-19 uu ka abuurmay jeermis, halka Antibiyootikadu ay la dagaalanto cudurada ka abuurma bakteeriyada. § Aalaaba dadka uu Jeermiska Covid-19 uu ku dhaco waxaa lasoo darsa hawa-mareenka4 oo is xira. § Haddii uu hawa-mareenka si aad ah u asiibo waxaa qofka lagu xiraa haan hawada siisa maadaamma uu qofku u baahan yahay kaalmo weyn oo dhanka hawa-qaadshada ah. § Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in lagu xiro mashiin haddii xaaladdoodu ay khatar ku sugan tahay. Mashiinkani waxaa aalaaba lagu xiraa qofka shilka galay ee aan xubnihiisa caadiga ah ka neefsan karin.

2 Jeermitir: Waa dabargoynta il-ma-aragtada xanuunada ku dhalisa jirka dadka. 3 Antibiyootig: Waa daawo jaadad badan leh oo lagula dagaallamo il-ma-aragtayda cudurrada dhalisa ama sii faafisa. 4 Hawa-mareenka: Waa labada dhuumood ee hunguriga ku yaal – tan ay maraan hawada iyo tan ay kasoo baxaan.

4 (6)

 

  1. Dadka uusan ku dhicin sidee bay uga hortegi karaan jeermiska Covid19? Illaah ha inaga xijaabee jeermiskan waxaad uga hortagi kartaa: § In aad gurigaaga ku nagaato. § In aad si fiican gacmaha u mayrato adiga oo isticmaalaya saabuun. § In aad isticmaasho aalkolada gacmaha haddii ay suurtagal kuu tahay. § Iska illaali in aad taabatid wajigaaga, afka iyo indhahaba. § Ha booqan ama ha aadin goobaha ay daku ku badan yihiin. Balse haddii ay dantu kugu khasabto waa in aadan dadka ku dhowaan oo aad u jirsataa masaafo fiican sida 2 m iyo wax la mid ah. 5. Maxaan sameyn karaa haddii uu igu dhaco Jeermiska Covid-19? § Biyo badan cab haddii uu qufacaagu badan yahay. Biyaha oo aad cabtaa waxay kuu fududeynaysaa in xabka kugu taagan ee aan soo go´eyn uu si fudud kuu soo dhaafo. § Marka aad seexaneysid waa in aad sariirta laba barkimood iwm aad madaxaaga sare ugu qaaddid. Tani waxay kuu fududeynaysaa in aad si sahlan u qufacdid isla markaana wixii xab ah si sahal ah ay kuu soo dhaafaan. § Qaado daawada madax-xanuunka ama qandhada haddii ay xumad ku hayso. § Sigaar ha cabin, meelaha lagu cabayana ha tegin maadaamma qaaca iyo urta sigaarkaba ay dhibayaan hawa-mareenka. § Haddii uu sanku ku xiran yahay waa muhiim in aad isticmaashid daawada sanka furta taasoo badanaa aan u baahneyn in dhakhtar uu kuu qoro. Laakiin waxaa muhiim ah in aad raacdid habka isticmaalka daawadaasi. § Haddii uu ku hayo dhuun-xanuun waxaad cabi kartaa wax kulul sida shaaha ranjiga ama bigeyska ah.
  2. Munaasib ma tahay in aan safar u baxo wakhtigan la joogo? § Xaaladda adduunku marayo maanta awgeed waxaa muhiim ah in qof walba uu girigiisa ku nagaado. Sababtuna waxay tahay in la doonayo in la xakameeyo faafidda Jeermiska Covid-19. Waddamada dunida badankood waxay xireen xuduudahooda. Sidaa si la mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa iyagana joojiyey wixii duulimaad ahaa ee ay sameyn jireen marka laga reebo in ay soo daabulaan dadka jinsiyadahooda heysa ee dib ugu soo 5 (6)
    laabanaya dalkooda. Wallow waddamada sidaasi sameynaya ay aad u yar yihiin.
  3. Dadkee buu Jeermiska Covid-19 sida aadka u asiibi karaa? In kasta oo uu xanuunkan asiibi karo dadka oo idil ayey haddana dhakhaatiirtu sheegeen khaasatan dadka uu sida aadka ah u asiibi karo. Dadkaasi ayaa waxaa ka mid ah: § Dadka da´doodu ka weyn tahay 70 jir. § Dadka qaba cudurrada ku taxaluqa dhiigga, tusaale ahaan dhiigkarka5, wadne-xanuunka6, sonkorowga7 iwm. § Dadka sigaarka caba. § Dadka sambabada horey uga xanuunsanaa. § Cayilka ama baruurta xad-dhaafka ah waxay iyaduna sababtaa in sambadadu aysan si fiican u shaqeyn karin.

Hay´adaha caafimaadka dunida oo idil waxay isku raaceen in aad:

”Joogtid gurigaaga si aad naftaada iyo qoyskaaga aadan ugu keenin Jeermiska aan daawada laheyn ee Covid-19”

Guntii iyo gebagabadii, wallaalaheena qaaliga ahaayow waxaan idinka codsaneynaa in aad raacdaan awaamiirta kasoo baxa hay´adaha caafimaadka ee dalka aad ku nooshihiin. Ha dhegaysan akhbaaraadka aan ku saleysneyn aqoonta loo leeyahay Jeermiska Covid-19. Akhbaartaas oo ah in la ogaaday in jeermiskan yahay mid dilaa ah isla markaana la doonayo in la xakameeyo si ay u yaraato dhimashada faraha badan ee labada malyan oo qof ku dhow.

Bahda PEDAN waxay idinka rajeynayaan in aad u hogaansataan awaamiirta ay bixineyso hay´adda caafimaadka ee idinka ag dhow.

Mahadsanidiin PEDAN

Afhayeenka Dallada Qurbajoogta Puntland ee Yurub PEDAN Faisa Cabdiraxman oo baaq wacyi gelin ku saabsan COVID-19 ah u dirtay Umadda Somaaliyeed meel walba ay joogaan.Waxaan umadda soomaaliyeed,illaahay uuga baryayaa dal iyo dibad joogba in uu ka badbaadiyo oo baalmariyo balaayada babanaysa ee sabab unoqotay in ay dhintaan dad badan oo dunida guudkeeda saaran.Cudurkan ayaa ah sida lasheegay nooc hargab ah oo fayrus ah,kaasoo hay'ada caafimaadka ee dunida WHO ay u bixisay magac dadka loo sheegay oo ah COVID-19.markaa dunidu maanta dawo cid haysaa ma jirtee qof waliba haku ekaado gurigiisa,dadkuna hakalo fogaado,gacmaha si wanaagsan halaysaga dhaqo oo saabuun ninkii heli karaa haku dhaqdo,kii kalana biyo.Gacmaha oo la dhaqo sifiican,iyo wajigoo laga ilaaliyo taabasho ayaa ah amarka uugu wayn ee qofka laga rabaa.bandooga iyo kala xiraanta iyo karantiilka intaba islaamkaa qabo oo soosaaray. waad aragtaan in cimaradii iyo xaramkii illaahay la diiday waana sax oo diintaa fartay taxadarkaa ah in laga gabado oo layska ilaaliyo cudurka.Dad soomaaliyeed ayaa wax ku noqday dibadaha,waxaana loo aaneeyaa taxadar la'aan xaga isqaadsiinta oo waxay ku kulmeen meelo bulshadu ku cawayso iyagoo jabiyay sharciga dalalka ay joogaan dadka xukunka haya iyo dawlada oo amarkay soo saarto la qaadan waayaa waxay lidi ku tahay oo laga horyimid diinteena islaamka ee ina tiri qaata amarka madaxdiina.

Posted by Dalladda Pedan on Friday, April 10, 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published.