Dallada Ururada Qurbajoogta Puntland ee Yurub waxaa sharaf u ah iney soo dhawayso URURADA dhawaan ku soo biiray oo kala ah (URURKA SPDO, URURKA AHEP, URURKA ANGERED SPORT KLUB, URURKA WADAAGSIN ACTION GROUP, URURADA PCDAP iyo URURADA HADAF UNGDOMSFORENING.

Gogal-dhig

Daladda Ururada Qurba-joogta Puntland ee Yurub (DUQPY). Waa dalad aan macaash doon aheyn, ujeedkeeduna yahay tayaynta iyo mideynta waxqabadka Ururada reer Puntland ee Yurub iyo sidoo kale inay qayb ka noqoto dadaalada qurba-joogta Soomalaiyeed ee lugu raadinayo guul Soomaalinimo.

Hiraalka - Daladda

1. Kobcinta iyo Kor-uqaadida awoodeed ee qurbajoogta reer Puntland ee Yurub..

2. Ka qeyb qaadashada abuurida Xasilooni bulsho, mid dhaqan, dhaqaale iyo ka qeybgalka dib-udhiska iyo sooclinta midnimo Soomaaliyeed.

Ujeedka-Daladda

1. Kobcinta iyo mideynta waxqabadka ururada xubanaha ka ah dallada iyo u qareemida danahooda heer Midowga Yurub.

2. Suuro-gelinta madal iskuxir wada shaqeyneed iyo khibrad wadaag dhexmarta ururada xubnaha ka ah Dallada iyo kuwa la jaalka ah ee kadhisan qaarada Yurub.

3. U-qareemidda, Abaabulka iyo horumarinta gargaarka bini-aadanimo ee kuwajahan Puntland. .

Read More

PEDAN-VIDEOS

Shirkii iyo Gogol xaarka Tababaradda dhalin yaradda yurub ee uga furmaya Magalada Dublin ee Ireland. 02/01/2017-11/02/2017..

watchMore

WAR-SAXAFADEED: Xiritaankii Shirka Ururadda Qurbajoogta Puntland ee YURUB.

watchMore

Zahra Hubeero oo kamida haldoorka qurbajoogta reer Puntland ee kunool dalka Ingiriiska ayaa warysi meelo badan taabana siisay TV-ga Puntland

watchMore

Wareysi: Madaxa ururada Puntland ee qaaradda Yurub - London U k

watchMore

shirwaynihii Finland Barnaamijka Dhallinyarada


Barnaamijka waxbarashada sare iyo cilmi baarista

watchMore

MEMBERS